Mareykanka oo Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday hoggaaminta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa ayaa war kasoo saaray kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend.
Warka kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ay ka wadda hadleen sidii bilaabi lahaa howlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland .
Waxaa lagu sheegay warka in howlgalkaasi ay Si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland Ciidamada Xooga dalka, Ciidanka Kenya iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Maraykanka.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Jubbaland ay ka dalbadeen hoggaaminta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.