Somalitoday Editorial: Madexweyne Ahmed Mohamed Islam hogaan lamahadiyey una qalma dib u dorasho afarta sano ee soo socota.
Somalitaday online waxey si mug leh u taageertay in madexweynaha Jubaland Ahmed Mohamed Islam dib loogu doorto hogaanka dawlad goboleedka Jubaland afarta sano ee soo socota. Qodobada aan u cuskaney in aan taageerno madexweyne Ahmed M. Islam waa kuwaan hoos ku husan.
Dib u heshiinta:- Madexweyne Ahmed waxaa uu si dhab ah u walaaleeyey shacabka Jubooyinka isagoo qabtey sadex shir oo dib u heshiisineyd kuwaas oo ay kazoo qeybgaleen salaadiinta, aqoonyahanka, ururada rayidka ah, dumarku iyo dhalinyaradaba. Waxaa kalle oo shirarkaa qeyb ka ahaa dawlada federalka ee Somalia, urur goboleedka Igad iyo Jamciyada qaramada midoobey xafiiskeeda Soomaliya. Waxaa kalle oo madexweyne Ahmed qeybweyn ka qaatey daminta colaadihii ka dhexeeyay maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug isagoo socdaalo nabadeed ku kala bixiyey degaandaas.
Federalsimka:- Madeyne Ahmed waxuu qeyb ka ahaa dhismaha iyo kobcinta maamulka federalismka ee wadanku qaatey. Jubaland waxey dhaqaale badan ku bixisey iney martigaliso shirarkii madasha ee lagu dhisayey nidaamka manta ay ku dhisantahay ee ay madexda qaranka lagu soo doortey. Madexweyne Ahmed waxuu qeybweyn ku lahaa dhismaha hirgalinta dhismaha aqalka sare ee Somaliya
Sugida amniga iyo dhismaha ciidamada:- guud ahaan Somaliya, gaar ahaan degaanada Jubaland ama Kismaayo waxey ahayd meesha dhiiga ugu faraha badani ku daatey, waxey noqotey xarunta maamulka ALshabaab ee Somaliya loooga taliyo; waxey aheyd meel shacabka degan ee Somaliyeed ay had iyo goor ahaayeen kuwa aan isu turin oo is dila. Madexweyne Ahmed waxuu si habsami leh gacanta ugu dhigey nabadgelyada dhamaan degaanada hoostaga maamulka Jubaland, iyadoo ay Kismaayo noqotey maagalda ugu nabadgelyada badan koonfurta Soomalia. dinaca ciidamada iyo dhismahooda, waxaa ciidamada daraawiista iyo kuwa milategiga ee Jubaland waxaa la isla qirey iney yihiin ciidamada ugu tayada fiican koonfurta Somaliya. Waa ciidan ka dhameystiran dhinaca tababarka, qalabka, iyo akhlaaqada. Waa ciidanka kaliya ee haddii askari ku xadgudbo shacabka, askarigaas ciqaabtiisa la marsiiyo, wana midda keentay in uu yaraado xadgudubka askarta ee shacabka.
Hadaba, waxaan si buuxda u taageerney soo noqoshada madexweyne Ahmed Mohamed Islam waana mudan yahay hogaaminta dawlad goboleedka afarta sano ee soo socota.