Casho sharaf sagootin ah oo jaaliyada Jubbaland ee Minnesota u sameysey Sareeye Guuto General Mohamed Osman Qaadi
Jaaliyada Soomaliyeed ee Minnesota ayaa xalay Casho sharaf si weyn loo soo agaasimey u sameysey Sareeyo guuto General Mohamed Osman Qaadi oo safar talo bixin iyo tusaaleyn ah ugu ambabaxaya dhulkii hooyo. Gudiga sare ee jaaliyada Jubaland ayaa kula dardaarmeen generalka inuu qeyb ka noqdo waxgaradka reer Jubbaland ee ku hawlan doorashada ka dhici doonta kismaayo dabayaaqada bisha August ee inagu soo aadan.
Jaaliyadu waxay si mug iyo miisaan leh ugu idmadeen genrelku inuu geeyo fariintooda iyo codkooda taas oo ah in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal . Waxaa kalle oo hoosta laga xariiqey Iney dawlada federalka Somalia (DFS) joojiso faragalinta qaawan iyo dibin-daabyada guracan ay u maleegayso dawlag goboleedka Jubaland.
Jaaliyada Jubbaland ee Minnesota waxey si weyn uga soo horjeedaan in la carqaladeeyo hanaanka doorasho ee Jubaland. Waxaa kalle oo la isla meel dhigay inaan marna gorgortan laga gelin amaanka iyo kala danbeynta oo shacabka iyo maamulkuba meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo khalkhal siyaasadeed iyo mid amni ku haysa Jubaland.
Ugu danbeytii, generalka oo hadal kooban jediyay ayaa u mahad celiyey hogaanka jaaliyada una balanqaadey inuu fariintooda iyo fikirkoodaba gaadhsiin doono meelaha ay khuseyso.