Urgent (DEGDEG): Ha gelin dhismayaasha burburku gaaray
Fadlan Ha gelin dhismayaasha burburku gaaray Waa arrin aad khatar u ah. Magaaladu waxa ay xireysaa waddo lugeedyada si dadka looga fogeeyo dhismayaasha burburku soo gaaray iyada oo mulkiilayaasha dhismayaasha ay ilaalinayaan hantidooda oo ay burburin degdeg ah ku bilaabayaan sida ugu dhaqsaha badan.
Talo soo jeedinta dhismayaasha burburku soo gaaray
Mulkiilayasha iyo deganayaasha waxaa ay weydiinayaan talo ay raacaan oo ku saabsan guryaha burburku gaaray.
· Nabadgelyada ayaa muhimadda koowaad leh: ha gelin dhismayaasha burburku gaaray ama laga yaabo in aysan amaan aheyn.
· Soo wargeli shirkadaha korontada iyo gaaska xargaha korontada ama gaas dareeraya.
· Hubi in aad damiso korontada haddii ay biyo fadhiyaan ama aad is leedahay dhawac ayaa gaaray nidaamka korontada.
· Uga dig mulkiilayaasha guryaha iyo shirkadaha ceymiska waxa dhacay.
· Xir dhismaha oo ha ogolaan in la galo ama dhib kale ka soo gaaro jawiga.
· Nadaafadda guud waa la sameyn karaa uma baahnid ogolaashaha magaalada.
· Mulkiilayaashu waxa ay qoran karaan qandaraaslayaal ka caawiya xaaladaha khatarta ah ee haraaga kiimikada haddii ay sidaas doonayaan
· Wax ha ka bedelin qaabka dhismaha marka laga reebo dayactirka degdegga ah ee joojinaya burburka.
· Mulkiilyayaasha guryaha ee doonaya in ay si degdeg ah u dumiyaan waxa ay la xiriiri karaan hay’adaha korontada iyo biyaha si ay u xaqiijiyaan in gaaska dabiiciga ah, korontada iyo biyaha la xiray.