Wasiirka Biyaha ee Somali State Abdi Hure OO Xabsiga Dhigay Odeyaal, Culimo Awdiin & Dhalinyaro Hal Bee Kasoo wadda Jeeda
Dhaqankii iyo dabeecadihii xumaa ee ahaa Xidhay, cagajulayn iyo adeesiga awooda dawlada oo Qoraxay kusii xoogaysatay baryahan.
Shalay galab ayaa odeyaal dhaqan, culimo aw-diin iyo hogaanka bulshada oo gaadhaya 20 lagu uu wasiir Abdi Hure ku xidhxidhey magaalada Qabridahare ee gobolka Qoraxay. Xidhayga ayaa ka danbeyay cabasho ay ka muujiyeen cadaalad daro iyo eex qaawan oo maamulku kula kacay beesha BALAAGMADOOBE oo dega degaanka ugu weyn gobolka laga bilaabo Qabridahare ilee Dhanaan.

Banaanbaxyo waaweyn oo manta ka dhacay gobolka kuwaas oo lagu dalbanayo in lasoo daayo dadka la xidhxidhey iyo iney beeshu hesho cadaalad. Abdi Hure, wasiirka Biyaha ayaa ku hanjabay inuu Jeel Ogaden mid la mid ah uu ka buuxin doono beesha.

Arintani waxay u taalaa maamulka DDS oo la doonayo inuu ama wasiir Abdi Hure ka qabto shacabka masaakinta ah ama uu iska bari’yeelo.

“Nina kuma cabiidsamo walaan madaxa kaa goyn” Abwaan Somaliyeed.