Musharaxa Kursiga Xildhibaanimada ee degmada Afmadow ee sanadka 2020, Abdirashid Dahir Ahmed.
Abdirashid Dahir waxuu hormuud ka ahaa aqoonyahankii degaanka ee in muddo ah isku hawlay in ay Jubaland hesho maamul ay leedahay, iyadu dhisatey, mamulkaas oo gobolka gaadhsiiya horumar la taaban karo.
Haddaba, waxqabadka iyo shaqoyinka uu aqoonyahan Abdirashid Dahir usoo qabtay yagleelida dawlad goboleedka Jubaland hoos ka akhriso:
- Abdirashid waxuu ahaa Gudoomiyahii Jaaliyada United Kingdom ee Jubaland. Waxuu ka mid ahaa aas -aasayaashii jaaliyada jubaland ee Jubaland, sidaa daraadeed waa dadka mudan in ixtiraam khaas ah lagu siiyo laguna abaalmariyo shaqada ay usoo qabteen degaanka iyo maamulkaba.
- Mudane Abdirashid, waa nin aqoonyahan ah, diin leh, karti leh oo lagu aamini karo xilka.
- Abdirashid waxuu ka soo qaybqaatey hawlihii samafalka ee gobolka ka socdey isagoo qeybweyn kulahaa mashaariic ay qurbajoogtu ka fulisey gudaha Jubaland, khaasatan degaanka WAAMO.
- Abdirashiid, waxaa uu hormuud ka ahaa halgankii dheeraa ee loo soo maray in maanta ay Jubaland noqoto meel lawada leeyahay, lagu wada tartamo, xor ah, nabad ah oo dawladi ka jirto.
Ugu danbeyn, qurbajoogta gobolka, waxgaradka, iyo aqoonyahankuba waxay si weyn ugu baaqayaan in la taageero oo la garabistaago xildhibaan Abdirashid Dahir Ahmed (Aragsame).