Xizbiga Barwaaqo (PP) oo Siyaasiga Weyn Ahmed Hussein Nuur (SHAHAADO) U sharaxay Degmada Qabridahare iyo Shacabkii Qoraxay oo Si Weyn U soo Dhaweeyay Musharaxa.
Siyaasiga rug-cadaaga ah Ahmed Shahaado oo uu Xizbiga PP u sharaxay Xildhibaan heer degaan ee maamul magaalada Qabridahare ayaa sabab u noqotay in durba xizbiga PP iyo madexweyne Mustafa Omar ay taageero xoog leh ka helaan gobolka Qoraxay guud ahaan, gaar ahaana degaanada dhaca galbeedka Qabridahare ilaa Dhanaan ama dhulka loo yaqaan Nogob Yarey. Ahmed Hussein Nuur waa hadal yaqaan aan ka gabaninin runta iyo inuu u doodo xaqa shacabka. Musharax Ahmed Shahaado ayaa noqday mid wax ka badalay hab xisaabeedkii siyaasada ee gobolka qoraxay iyo loolankii doorasho ee u dhaxeeyay ururada PP iyo ONLF.
Ahmed Shahaado waa u doode xuquuqul insaanka midaas oo uu ku muteystay inuu jeel Ogaden ku xidhnaa muddy 7 sano. Waxaa kalle oo xabsiga dhigay madexweynihii hore ee degaanka Abdullahi Lugbuur. Sidda ay Somalitoday xog ku heshay, musharax Shahaado ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Dalaad, Qabridahare Iyo degaano kalle oo ka mid ah gobolka Qoraxay.
Dadka Sida aadka ah u yaqaan Ahmed Shahaado waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin aqoonyahan ah, runsheeg ah, jecel cadaalada, neceb dulmiga oo aan ka gabanin waxa xaqiiqda ah ee jira.