Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in gacantooda ku jirto Caabudwaaq, isla markaana waxba ka jirin in Ahlusuna qabsatay.
“Waa been in Ahlusuna ay qabsatay Caabudwaaq, halkaas waxaa jooga Ciidamada Maamulka Caabudwaaq oo taabacsan Maamulka Galmudug”ayuu yiri Maxamed Xaashi Carabey.
Sidoo kale waxaa uu xusay inay jiraan in Ahlusuna la wareegtay deegaano u dhaxeeya Dhuusa Mareeb iyo Xeraale, balse aysan jirin in Caabudwaaq ay la wareegeen.
Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa tilmaamay in iyaga iyo Ahlusuna uu wada hadal u socdo, isla markaana uu rajo ka qabo inuu isfaham ku dhammaado.
Ciidamo taabacsan Ahlusuna ayaa shalay la wareegay saldhiga booliska Caabudwaaq