Maxkamada Sare ee Somaliland oo go’aamisey in mucaaradku qabsan karaan shirar gaar ah
Hargeisa (ST) – Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa soo Saartay go’aan ah in xisbiyadda shirarkooda gaar ah qabsan karaan, balse aanay sharcigu ogolayn inay shirar qaran ku baaqaan.
Gudddoomiyaha Maxkamadda sare oo ay dhinac fadhiyeen Garsoorayaasha maxkamadda sare,isla markaana goob joog ka ahaayeen hogaamiyeyaasha mucaaradka iyo xukuumadda ayaa go’aanka soo saartay shirarkiii Mucaaradka iyo Xukuumaddu isku diidanayaan ee ah shirweyne Qaran oo ay ku baaqeen Mucaaradka, taasoo keentay inay Xukuumadduna ku amartay Hoteellada inaanay ku qabsan Karin shirar xisbiyadda.
Guddoomiyaha maxkamadad sare Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay inay aqballeen dacwad ay xisbiyada mucaaradku usoo gudbiyeen kaas oo ay kaga cabanayaan saddex mas’uul oo ka tirsan xukuumadda, kuwaasoo hoteellada ku amray in aanay xisbiyada u ogolaan wax shirar ah oo ay ku qabsadaan.
Maxkamada sare ayaa buriyey amarka xukuumaddu ka soo saartay in hoteeladda u diidaan xisbiyada mucaaradka ah, waxaanay sheegtay inay shirarkoodda gaar ah ku qabsan karaan xisbiyaddu, waxaase reebtay in shirweyne qaran aanay xisbiyaddu qaban Karin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Waran-cadde oo Xukuumadda Matalayay ayaa go’aanka maxkamadda ka soo baxay sheegay inay aqbaleen, islamarkaana fulinayaan. waxa uu sheegay in asxaabtu hadda fasax u haysato qabsashada shir u gaar ah oo ay arrimahooda kaga hadlaan.
Sidoo kale, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka SL, ayaa iyaguna soo Dhaweeyey tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid geesinimo leh oo uu si cadaalad ah u xukumay guddoomiyaha Maxkamadda sare Pro.Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in go’aankani yahay mid dhiiri galinaya asxaabta mucaaradka ah islamarkaana kalsooni ku siinaya in murannada ay maxakamaddu si caddaalad ah uga gar naqayso.
Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa isna soo dhoweeyey go’aanka maxkamadda sare, waxaanu ku tilmaamy talaabo hore loo qaaday, isagoo xusay inay shirarkooddii qabsan doonaan.
Si kasta ha ahaatee, Xukuumadda ayaa saaka ciidammo badan soo dhoobtay Waddooyinka halbawlaha u ah caasimadda, isla markaana xarunta xisbiga WADANI ciidamo keentay, taas oo xisbiyadu u arkayeen cadaadis xad dhaaf ah oo xukuumaddu ku kacayso.
Sidoo kale, waxa ciidanka amnigu xabsiga u taxaabtay wariyeyaal ku gudda jiray hawl-maalmoodkooddii shaqo, waxaana meelo kala duwan lagu xidhay agaasimihii guud ee Telefishanka Star Xamse Cali Bulbul, sawir Qaade ka tirsan Star Tv mustafe Aadan Tahar, Madaxa wararka telefishanka Bulsho Khadar Macalin iyo sawir qaade Nagiib Colaad, inkastoo markii dambe la siidaayey.