Baaq Taageero Jubaland iyo Soo dhaweyntii General Mohamed Osman Qaadi
Waxgaradka, aqoonyahanka, iyo ganacsatada Jubaland ee Minnesota, USA ayaa qadasharaf aad u meeqaan sareysa ku soo dhaweesay general Mohamed Osman Qaadi oo in mudo ah kumaqnaa wadankii hooyo, khaasatan Jubaland.
Kulanka oo ka dhacay magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaa ay ujeedadiisuna ahayd kalla xog-qaadasho, iswareysi xaaladaha guud ee geeska Africa, khaasatan Somalia iyo degaanada Jubaland, iyo soo saarid baaq taageero.
Generalku waxuu si aad iyo aad u faah-faahsan uga warbixiyey waxyaabihii uu kusoo arkay degaanka sida:
- Nabadgelyada
- Horumarka
- Maamulka suuban
Warbixintii kadib, waxaa goobta laga soo saarey baaq teego ah oo loo muujiyey Maamulka Jubaland ee madexweynaha ka yahay mudane Ahmed Shiekh Mohamed Islam.
Anagoo ku hadlayna salaadiinta, aqoonyahnka iyo ganacsatada Jubaland ee Noth America, waxaan si buuxda utaageersanahay, markii horana u taageersaneyn hanaanka geedi socod ee maamulka Jubaland iyo hogaamintiisa hadey noqon lahayd golihiisa fulinta, baarlamaanka iyo ciidamada qalabka sidaba. Waxaa waxgaradku ku booriyey dhamaan shacabweynaha Somaliyeed, khaastan reer jubaland iney garab istaagaan maamulkooda, kana qaybqaataan dhismaha iyo horumarinta degaankooda.
- Ugaas Mohamud Cunshur
- Suldaan Abdiqani Suldaan Alisafi
- General Mohamed Osman Qaadi
- Yusuf Gamaadiid
- Dr. Asad Khalif Aliweyd
- Mohamed Sheikh Abdi
- Abdikarim Muhumed Hassan
- Nur Sheikh Khalif
- Ahmed-rais Suldan Mohamud Haybe
- Ugaas Nuur Ali Abshir
- Caaqil Muhumed Dhicis Rooble
- Abdi Sahal Adan (Abdi-madoobe)
- Kudhac Hussein Abdi
- Ali Yarow Farah
- Abdi Muhumed Shiil
- Abdullahi Ahmed Sahal
- Mukhtar Shiekh Yusuf
- Abas Shiekh Muhumed
- Ali Gaas
- Abdullahi Hassan Arte
was great artile