Warakii ugu danbeeyay ee siyaasi Ahmed Hussein Nuur (Ahmed Shahaado)
Jigjiga, Sabti, Novermber 2nd, 2019
Aqoonyahan Ahmed Hussein Nuur (Ahmed-Shahaado) lama xidhin, lamana jidh-dilin balse waxaa xaqiiqo ah in gurigiisa loogu dhacay xili isaga iyo caruurtiisuba ay jiifeen. Siyaasiin, waxgarad iyo qeybo ka mid ah dawladu oo aad uga cadhodey falkan guracan waxay balan qaadeen iney arinkan meel saarayaan oo aan siddaa looga hadhi doonin.
Marka ay arintu dhacdey oo ku beegneyd abaarihii 10 PM wakhtiga Jigjiga, Ahmed waxuuu kusoo toosay sawxanka iyo buuqa ka yeedhaya ardaaga gurigiisa. Isagoo feedho qaawan ayuu bananka u soo baxay. Markii uu banaanka yimid, waxuu la kulmay koox ciidanka Liyuu Police ka ah oo taagan ardaaga guriga. Askartu waxay ka soo boodeen darbiga guriga oo si handadaad ay ku jirto ayay guriga usoo galeen. Ahmed Shahaado waxuu weydiiyay askartii sababta ay gurigiisa weerarka ugu soo qaadeen? Waxey u sheegeen iney hub baadhayeen. Waa dhacdadii sadexaad ee lagula kaco siyaasiga rug-cadaaga ah oo ka mid ah dadkii fara kutiriska ah ee degaanka ku hadhey xiligii adkaa ee la soo marey.
Ahmed Hussein Nuur, waxaa uu ka hor yimid nidaamkii dawladii hore ee Abdi Mohamud Omar (Abdi ley) isagoo ku muteystay xabsi, jidh-dil, iyo dhac hantiyadeedba. Maanta in siddii oo kalle loola dhaqmaa waa arin aan loo dulqaadan Karin oo u baahan in shacabka DDS ay ilaashadaan waxgaradkooda iyo indhaha bulshada sidda aqoonyahan Ahmed Shahaado oo kalle.
Ugu danbeyn, dawladu waxey bilowdey baadhitaan la xidhiidha kiisakan oo sidda ugu dhakhsaha badan xogteeda loo ogaan doono.
Isha wararka
Somali Today