KULIGANO WAXAANU WADA NAHAY RABAALE. FREE RABAALE ALI MADOOBE
Maamulka magaalada Qabridahare waxay saddex maalmood ka hor xabsiga u taxaabeen Sheikh Rabaale Ali Madobe. Rabaale waxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo magaalada aad looga yaqaano. Rabaale waxuu ka mid yahay dhalinyarada indhaha u ah magaalada Qabridahare.
Haddaba maxaa lagu xidhay Rabaale? Dhawr bari ka hor ayuu rabiile sawir ka qaaday mashruuc maamulka magaaladu qandaraas ku bixiyeen oo fashilmay. Danbiga kaliya ee loo haysto ee uu xoriyadiisa u la’ayahay waxay tahay-maxaad xaqiiqda uga hadlaysaa oo aad dadka noo tuseysaa.
Marka koobaad, cabudhin, dil iyo dhalinyaro jeelka lagu bahdilo bulshada ku nool mgaalada Qabridahare kuma cusba, balse waa in dhacdadan xadgudubka ah ay noqotaa tii ugu danbeysey ee muwaadin si xor ah u cabiraya fikirkiisa lagu xidho. Bulshada reer Qabridahare waa iney dhamaan noqdaan investigative journalist oo ay banaanka keenaan mashaariicda lagu fashilmay, kuwa guuleystay iyo qandaraasyada kuwa qaata si loo helo Isla xisaabtan iyo xaqiiqda magaalada ka jirta. Waa iney is garab istaagaan oo ay diidaan dhaqankii xumaa ee ABDI ILEY in mar kale magaalada laga hirgaliyo.
Ugu danbeyn, Sheikh Rabaale Ali madoobe danbi ma galin, waxaana uu u xidhan yahay laba shaqsi o oleh maxaad xaqiiq jirta banaanka u keentay.
FREE RABAALE IMMEDIATELY